Saturday, May 2, 2026
Home NEWS Siyaasiyiinta mucaaradka oo ka hadlay mowqifkooda kadib 15 May 2026

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ka hadlay mowqifkooda kadib 15 May 2026

25

May 02(Jowhar)-Siyaasiyiinta mucaaradka ka soo jeeda gobolka Banaadir ayaa soo saaray warmurtiyeed ay ugaga hadlayaan mowqifkooda siyaasadda xilligan.

War Murtiyeedkan oo lagu soo koobay afar qodob ayaa waxaa ka mid ahaa muddo xileedka madaxweynaha iyo dastuurka dalka kaasoo lagu xusay in kadib 15May 2026 aysan u aqoonsanayn inuu yahay Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka soomaaliya ayna u aqoonsan yihiin laga bilaabo xilligaas muwaadin caadi ah.

Sidoo kale war murtiyeedka ayay siyaasiyiinta ku baaqeen in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad goboleedyada Hirshabelle,Galmudug iyo Koofurgalbeed si waafaqsan dastuurka maamuladaas.

Halkan hoose ka aqriso war murtiyeedka;