Wednesday, May 13, 2026
Home NEWS Xogaha ka cusub kulanka Xalane ee dhinacyada Soomaalida iyo safiirada Mareykanka iyo...

Xogaha ka cusub kulanka Xalane ee dhinacyada Soomaalida iyo safiirada Mareykanka iyo UK

297

May 13(Jowhar) Barqanimada maanta ah xayndaabka Xalane ayay Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka & Madaxweyne Xassan Sheikh ku yeelan doonaa  wada hadalo ku sal go’an geedi socodka doorashooyinka dalka iyo sidii Is faham looga gaari lahaa, iyadoo isku keenida ay leeyihiin Reer Galbeedka, shirkuna ku qabsoomayo xarunta JOCC.

Dhexdhexaadiyayaasha caalamiga ah, ayaa door kuyeelan doona kulan oo kaqeybgalayaashu ay yihiin Madaxweynaha, RW kuxigeenka oo dhinac ah, halka dhinaca Golaha Mustaqbalkana yihiin MW Shariif Sheikh Axmed iyo MW Puntland Siciid Deni.

Safiirada Ingiriiska iyo Mareykanka ayey xoguhu tilmaamayaan inay dhex-dhexaadinayaan dhinacyada Soomaalida oo fariin culus loo dhiibi doono.

warar la baahiyay oo laxariiray in uu kulanka Garabka Mucaraadka Deni iyo Shariif ku wehlinayo Wasiir Hore Ceynte ayaan ogaanay inay been abuur yihiin.