Thursday, May 14, 2026
Home NEWS Gudoomiyaha Gedo oo kasoo horjeestay qorahaha DFS ee gobolkaasu doorashi uga qabaneyso

Gudoomiyaha Gedo oo kasoo horjeestay qorahaha DFS ee gobolkaasu doorashi uga qabaneyso

208

May 14(Jowhar) Jubbaland ayaa Xukuumadda Faderaalka markale ka xoogtay caasimadda gobalka Gedo ee Garbahaaray, Cabdulaahi Shimbir oo ahaa gudoomiyihii gobalkaas oo horay uga gadooday Jubbaland ayaa hadda dib ugu laabtay.

Tani waxay dhabarjab ku tahay dowladda Faderaalka oo doonaysa in ay Garbahaaray ka qabto doorashooyin qof iyo cod ah, haddii horey gacanta dowladda uga maqnayd Doolow oo ah halka ugu muhiimsan ee gobalka, waayida caasumada gobalkana waxay ka dhigan tahay fashil weyn.

Madaxweyne Xassan Sheikh oo ay xubno kale duwan dhaqaale uga qaadeen heynta deegaanadan ayaa la kulmaya jab aan sahal u aheyn, haddii aysan halkan uga hirgalin qorshihiisa doorasho.