Monday, May 25, 2026
Home NEWS Maxkamada Sare oo ansixisay natiijada doorashada KoofurGalbeed

Maxkamada Sare oo ansixisay natiijada doorashada KoofurGalbeed

104

May 25(Jowhar)-Maxkamadda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijadi doorashoyinkii Golayaasha deeggaanka iyo Wakiiladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee guddiga doorashoyinka iyo Soohdimuha Qaranku usoo gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka.

Maxkamaddu waxay caddeysay in doorashooyinkaasi ay u dhaceen si waafaqsan shuruucda iyo habraacyada u degsan doorashooyinka dowlad goboleedyada dalka.

Go’aankan kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa ah tallaabo sharciyeed oo muhiim ah, maadaama uu si rasmi ah u dhammeystirayo hannaankii sharci ee doorashooyinka ka dhacay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka ayaa la sheegay inay Maxkamadda Sare u gudbiyeen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habkii loo maareeyay doorashada, goobihii codbixinta, tirada ka qeybgalayaasha iyo natiijooyinka kama dambaysta ah ee kasoo baxay doorashooyinkaasi.

Ansixinta maanta ayaa ka dhigan in guddiga doorashada uu si rasmi ah u soo gabagabeeyay shaqadii loo igmaday ee la xiriirtay doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in go’aanka Maxkamadda Sare uu muhiim u yahay xasilloonida siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xilli ay jiraan dadaallo lagu xoojinayo nidaamka dimuqraadiyadeed iyo hirgelinta doorashooyin heer deegaan ah oo shacabka ay si toos ah uga qeyb qaataan.

Waxay sidoo kale tilmaamayaan in ansixinta maxkamaddu ay meesha ka saareyso hubanti la’aan kasta oo sharci oo ku saabsan natiijooyinka doorashadaasi.

HOOS KA AKHRISO GO’AANKA KA SOO BAXAY MAXKAMADA