Monday, May 25, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo la kulmay Abwaano Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan oo la kulmay Abwaano Soomaaliyeed

18

May 25(Jowhar) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay doorka suugaanleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xoojinta wacyi-galinta bulshada, dowlad-dhiska iyo dib u soo nooleynta dareenka qaranimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Abwaanada Soomaaliyeed uga mahadceliyey kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay mar walba ka qaataan difaaca jiritaanka qaranka, kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo gudbinta fariimaha baraarujinta bulshada, isagoo xusay in suugaantu ay tahay tiir muhiim u ah dib u dhiska maskaxda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay La-taliyaha Madaxweynaha ee Wacyi-galinta iyo Baraarujinta Dadweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdikariim Cabdi, Abwaanada Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqanka, xoojinta wadaniyadda iyo sidii hal-abuurka Soomaaliyeed loogu adeegsan lahaa nabadda, dowladnimada iyo horumarka dalka.