Munaasabadda Daahfurka Madasha Somali Business oo ka dhacday Muqdisho

0
100

Aug 07 (Jowhar)-Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho looga daahfuray Madasha Somali Business, oo ah madal bixineysa xog sugan oo isugu jirta; Warbixinno lagu falanqaynayo fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, Saadaalinno ku saabsan isbeddellada suuqa iyo kobaca dhaqaalaha, Daraasado la xiriira jihada ganacsiga & maalgashiga iyo Warbixinno lagu lafaguraya dhaqaalaha dalka.

Xafladdan waxaa kasoo qeyb galay masโ€™uuliyiin ka kala socday dowladda, ganacsatada, khubaro dhaqaale, Waxbarashada, dhalinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo daneeya horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Aasaasaha iyo Maamulaha Madasha Somali Business Dr Abdinor Dahir ayaa ugu horreyn Xafladda Daahfurka kusoo dhoweeyay martida, waxa uuna xusay muhiimadda ay somali Business u leedahay horumarinta dhaqaalaha soomaaliya iyo sababaha keennay aasaasitaanka madasha oo ugu horeyso sidii loo heli lahaa xog habaysan oo sugan oo lagu goโ€™aan qaadan karo.

Waxaa sidoo kale Xafladda Daahfurka Somali Business laga jeediyay qudbadooyin kala duwan kuwaas oo lagu bogaadiyay laguna soo dhoweeyay furitaanka madasha Somali Business.

Waxaana martida kamid ahaa ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š & ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š Hon Mohamud Abdirahman Beenebeene, Mudane Abdiqafar Hange oo ah ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐ƒ๐ซ. ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง ๐€๐๐š๐ฆ ๐‡๐จ๐ฌ๐จ๐ฐ, ๐‹๐š๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐…๐’ ๐ž๐ž ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, ๐š๐ก๐ง๐š ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š, ๐ƒ๐ซ. ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ๐Š๐ก๐š๐๐š๐ซ ๐€.๐‰๐š๐ฆ๐š oo ah ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐, Guddoomiye Ku Xigeenka Bangiga Dhexe ๐ƒ๐ซ ๐€๐ฅ๐ข ๐˜๐š๐ฌ๐ข๐ง ๐’๐ก๐ž๐ข๐ค๐ก, Abdirahman Yusuf Al-adala, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan Galanbi, Guddoomiye Ku Xigeenka Rugta ganaciga Soomaaliya iyo qaar kale.

Madashan ayaa la filayaa in ay noqoto isha koowaad ee laga helo xogaha maalgashi ee dalka, saadaasha suuqa, falanqaynta dhaqaalaha, iyo daraasadaha ganacsiga, iyadoo la filayo in ay si gaar ah uga faaโ€™iideystaan ganacsatada, dhaliyarada hal abuurka leh, iyo hayโ€™adaha dowladda.

Dhammaan ka qaybgalayaashii xafladda ayaa si weyn usoo dhaweeyay madashan cusub, iyagoo muujiyay baahida loo qabo in xogaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya la habeeyo, lana helo meel isku keenta xogtaas oo si joogto ah looga heli karo.