Wednesday, June 3, 2026
Home NEWS Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho

658

Jun 03(Jowhar)Dagaal culus ayaa ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir iyadoo dagaalkaana uu sababay dhimasho Iyo dhaawac.

Waxa ay wararka sheegayaan in dagaalka uu ka dhacay meel ku dhow guri ku yaal agagaaarka iskuulka Dhagaxtuur halkaa oo uu degenaa guddoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag Jacfar balse haatan fariisin uu ka dhigteyRa’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo u dhexeeyey ciidamada dowlada Iyo ilaalada ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Mana jiro wax war ah oo dowlada ay ka soo saartay dagaalka.

Hase yeeshee qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ku sheegey in in weerar lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay degmada Howlwadaag xilli uu shir kula jiray ugaaska iyo odayaasha dhaqanka beesha Murusade.

Khayre ayaa ku eedeeyay dowladda inay mas’uul ka tahay weerarka, isagoo tacsi u diray dadkii ku dhintay una rajeeyay caafimaad kuwa ku dhaawacmay. Waxa uu sheegay in dhacdadu timid xilli ay ku jireen diyaarinta bannaanbax nabadeed.