July 21 (Jowhar)-Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa la kulmay Safiir Muusa Kulaklıkaya, oo ah Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, si ay u xoojiyaan xiriirka istiraatiijiyadeed ee muddada dheer u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, amniga, waxbarashada,horumarinta iyo isbeddellada siyaasadeed ee ka taagan Geeska Afrika.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarka gobolka waxayna xaqiijiyeen ballanqaadkooda wadajirka ah ee nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara.
Mudane Cali Maxamed Cumar Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa muujiyay sida Soomaaliya ay uga mahadcelineyso taageerada joogtada ah ee Turkiga, iyadoo labada dhinac ay xaqiijinayaan ballanqaadkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga si labada dal iyo dadkoodaba ay u wada faa’iideystaan.










