Howlwadeenada Codbixinta Doorashada Golaha Deegaanka oo la diyaariyay

70

Dec 21(Jowhar)-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Mudane Saadiq Abshir Garaad ayaa xarunta Dhexe ee Guddiga kula dardaarmay howl-wadeennada ka shaqeynaya goobaha codbixinta maalinta Doorashada ee 25ka bishaan December.

Guddoomiyaha oo la dardaarmayay Dhallinyaradan oo gaareysa shan kun in ay si nafti-hurnimo iyo waddaniyad ku jirto ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed ee maalinta khamiista ee soo socota u soo baxaya goobaha Doorashooyinka ka dhacayaan.

” Haddii Ilaah ka dhigo si naf-hurnimo ah, waddaniyad iyo Islaamnino ku jirto inaad dadka Soomaaliyeed ugu adeegtaan, waa sharaf inoo ah waxaad ka shaeyntaan shaqo adag haddana fudud, waxaa la idinka rabaa in shacabka Soomaaliyeed ee maalinta iyada soo bixi doona u xaq-soortaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariim.

25ka bishaan, waa maalin weyn oo taariikhi ah, waxayna shacabka Muqdisho u dareeri doonaan Doorasho qof iyo cod ah.