May 25(Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga xaqiijiyey amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka dadweynaha ee qof iyo codka ah.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay bulshada rayidku ku leeyihiin xoojinta dowladnimada, ilaalinta midnimada qaranka iyo kobcinta ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, isagoo tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladda, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo toos ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey doorka bulshada rayidka ah ee nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo Madaxweynuhu uu ku bogaadiyey bulshada rayidka doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Dhankooda, xubnaha bulshada rayidka ah ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xoojinta dimuqraadiyadda, daahfurnaanta dowladnimada, dardargelinta horumarinta adeegyada bulshada iyo adkaynta wada shaqaynta dowladda iyo shacabka.










