Monday, May 25, 2026
Home NEWS Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo 40 cisho kadib war kasoo saaray xarriga Sacdiya...

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo 40 cisho kadib war kasoo saaray xarriga Sacdiya Bajaaj

88
Screenshot

May 25(Jowhar) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa shaaciyay in kiiska Sacdiya Bajaaj dhawaan la horgeyn doono maxkamadaha dalka.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in marka la dhammeeyay baaritaannadii kiiska, la helay dhammaan eedihii loo haystay Sacdiya Bajaaj, taasoo suuragelisay in dacwadda si rasmi ah loogu gudbiyo maxkamadda.

Sacdiya Bajaaj ayaa haatan ku xiran Xabsiga Dhexe muddo ka badan 40 maalmood, iyadoo kiiskeedu si weyn u soo jiitay dareenka bulshada.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in cadaaladda la marsiin doono kiiska, islamarkaana maxkamaddu go’aan ka gaari doonto eedaha loo jeediyay.

Dad badan ayaa saluug ka muujiyay hanaankii loo maray kiiska Sacdiya Bajaaj, iyadoo dowladda ay u xirtay gabadhan yar sababo la xiriira iney dhaliisha hananaka maamul ee madaxweyne Xasan