Wednesday, June 3, 2026
Home NEWS Dowlada Federalka oo ku eedeysay Xasan Cali Kheyre dagaalkii ka dhacay maanta...

Dowlada Federalka oo ku eedeysay Xasan Cali Kheyre dagaalkii ka dhacay maanta Muqdisho

99

Jun 03(Jowhar)- Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka  hadashay dagaal gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir iyadoo ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

War Saxaafadeed ay soo saartay dowlada federalka ayay ku cambaareysay wax ay ugu yeertay dhacdo nasiib darro ahayd oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre.”

Sidoo kale War Saxaafadeedka ayay dowlada federalkakusheegtay in rag ku hubeysan hubka culus ay weerareen ciidamo boolis ah oo ku sugnaa saldhigga booliska degmada Howlwadaag.

“Maleeshiyaadkan oo ku hubeysan hub culus ayaa si toos ah u beegsaday xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag, taasoo xalay fiidkii uu ku soo daabulay maleeshiyaadkan, waxaana nasiib darro ah in maleeshiyaadkaas ay hubka culus ee ay wateen ku garaaceen xaafado ay degan yihiin dad shacab ah.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga caasimadda, lagu carqaladeynayo shaqada ciidamada ammaanka, ama lagu abuurayo cabsi iyo qalalaase.”

Dowlada Federalka ayaa kus heegtay war saxaafadeedka in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata dagaalkii ka dhacay degmada Howlwadaag.

“Hay’adaha amnigu waxay bilaabeen baaritaan rasmi ah oo la xiriira fal dambiyeedkan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado cid kasta oo ku lug yeelata.”

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka ayaa u mahadcelisa shacabka Soomaaliyeed wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin hey’adaha Amniga, waxayna ugu baaqday dowladdu inay sii laba-laabaan dadaalkooda si wadajir loogu hortago fal kasta oo carqaladeyn kara degegaanshaha iyo nabadgelyada ka jirta Caasimadda Muqdisho.

Dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ay qorsheynayaan in maalinta berri ah ay banaanbaxyo ka dhigaan caasimada dalka.