Thursday, June 4, 2026
Home NEWS Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur si kulul uga hadlay dagaalka ka...

Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur si kulul uga hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

154

Jun 03(Jowhar)-Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiga xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kala gaar gaar ah uga hadlay dagaalkii ka dhacay maanta degmada Howlwadaag iyagoo ku eedeyay dowlada federalka inay ka dambeysay dagaalka.

Qoraal kooban oo bartiisa Facebook soo dhigey Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa  uu ku eedeeyay Madaxweynaha Dowlada Federalka Xasan Sheekh inuu ka dambeeyay weerar uu sheegay in lagu qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qaaday Raiisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Xasan Cali Khayre xilli uu shir kula jiray ugaaska beesha Murusade Ugaasi cabdirisaaq Ugaas cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde iyo waxgarad kale.”ayuu qoraalkiisii ku yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Weerarkan wuxuu qayb ka yahay ficillada Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo inuu dhiig badan ku daadiyo isagoo aan haysan muddo xileed rasmi ah, wakhtigiisuna uu dhammaaday.”ayuu sii raaciyay.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku xusay in dagaalku uusan baajineyn banaanbaxa ay mucaaradku qorsheeyeen.

“Weerarkan ma baajin doono bannaabaxyada bulshada caasimadda ay ku diidanyihiin dulmiga , barakicinta iyo ku tak-rifalka awoodda dowladda, waxaana ciidanka ammaanka ugu yeerayaa inaysan qaadan amarada gurracan ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.”

Sidoo kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho kaasi oo sababay in boqolaal qoys oo ku noolaa degmooyinka Howlwadaag iyo Hodon ay ka barakacaan guryahoodii.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka uu taliska waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Ugaaska Beesha Murusade, waxgaradka iyo odayaal dhaqameed kale oo ku howlanaa dadaallada nabadda iyo xal u helidda khilaafka siyaasadeed.”ayuu ku yiri qoraalkiisa Cabdiraxman Cabdishakuur.

“Weerarka lagu beegsanayo siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka waa fal fulaynimo ah oo muujinaya jahawareer siyaasadeed iyo hurinta colaad. Ugaaska iyo odayaasha dhaqanku ma aha dhinac colaadeed; waa tiirka nabadda, wadajirka bulshada, iyo xallinta khilaafaadka Soomaaliyeed.”ayuu sii raaciyay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimadooda, kana fogaadaan ku milanka murannada siyaasadeed, ayna diidaan amar kasta oo ka dhan ah shacabka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka, iyo siyaasiyiinta. Ciidanku waxay u jiraan difaaca qaranka iyo shacabka, ee uma jiraan in loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah.