Sunday, May 24, 2026
Home NEWS Dowlada Soomaaliya oo hakisay qaabka loogu safro dalka Masar

Dowlada Soomaaliya oo hakisay qaabka loogu safro dalka Masar

49

May 24(Jowhar) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo yaqaan (OK-to-Board).
War ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in Dowladdu si dhow ula socoto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalay Dalka Masar kuwaas oo caqabad ka soo wajahday inay garoonka diyaaradaha ka baxaan.

Isbedelkan ku yimid safarka dalka Masar ayaa ku soo beegmay xilli garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira ay ku xayiran yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo doonayay inay galaan dalka Masar.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya waxa ay ugu safrayeen arrimo kala duwan dalkaas.