Feb 19(Jowhar)-Shir gaar ah oo ay yeesheen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa isku raacay in shirka berri ay uga qaybgalaan xubno gaar ah.
Madaxweyne hore Shariif, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Raysal Wasare hore Xasan Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan CabdiShakuur ayaa noqonaya cidda la xaajoonaysa Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kalena, Golaha Mustaqbalka ee Soomaaliya ayaa dhexdooda dood kaleh isudheelitirka beelaha marka ay samaynayaan kulamada Madaxtooyada iyo Shirarka bulshada. Kaddib markii ay labo beelood ay xubnaha shirarka iyo metalaadaha tagaa noqdeen.
Xildhibaan Cabdilaahi Carab ayaa isagna kamid noqonaya Guddida Wada-xaajoodka ee Madaxtooyada beri loo dirayo.
Weli ma xaqiijin in Xubnaha Madaxweyne hore Shariif, Raysal Wasaare hore Xasan Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Warsame mid lagu baddalay Cabdilaahi Carab.










