Wednesday, February 11, 2026
Home NEWS Haweeney toogasho ku dishey 9 ruux dalka Canada

Haweeney toogasho ku dishey 9 ruux dalka Canada

2

Feb 11(Jowhar)-Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay toogasho ka dhacday dugsi sare oo ku yaal galbeedka dalka Canada.
Toogashadan oo ay geysatay qof dumar ah ayaa markii dambe is dishey kahor inta aysan boolisku gaarin goobta. Dhacdadan ayaa ah tii ugu khasaaraha badneyd ee dalkaasi ka dhaca taariikhda dhow ee dalka Canada.

Lix qof ayaa meydkooda laga helay gudaha dugsi sare oo ku yaal magaalada Tumbler Ridge ee British Columbia, labo qof oo kale ayaa meydkooda laga helay guri ku yaal meel ka fogeyn iskuulka, qof kalena wuxuu dhintay intii loo sii waday isbitaalka, sida uu sheegay booliska Royal Canadian Mounted.

Ugu yaraan laba qof oo kale ayaa cusbitaalka la dhigay kuwaas oo qaba dhaawacyo halis ah, waxaana ilaa 25 qof laga dawaynayaa dhaawacyo aan halis ahayn, sida ay booliisku sheegeen.
Qof looga shakisan yahay in uu toogtay ayaa Booliiska ayaa qofka toogashada geystay ku tilmaamay qof dumar ah – arrin aan caadi ahayn iyadoo toogasho wadareedyo ka dhacay Waqooyiga Ameerika ay had iyo jeer fuliyaan rag.

Tumbler Ridge waa degmo fog oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 2,400 oo qof oo ku nool saadka Rocky Mountains ee waqooyiga British Columbia, qiyaastii 1,155 km (717 mayl) waqooyi bari ee Vancouver.

Bishii Abriil 2020, nin 51 jir ah oo isku soo ekeysiiyay booliis oo watay gaari booliis been abuur ah ayaa toogtay 22 qof weerar 13 saacadood qaatay oo ka dhacay gobolka Atlanta ee Nova Scotia, ka hor inta uusan booliisku ku dilin kaalin shidaal oo qiyaastii 90 km (60 mayl) u jirta goobtii uu dilku ka dhacay.

Toogashodii ugu xumayd ee ka dhacday Canada, December 1989, nin hubaysan ayaa 14 gabdhood arday ah ku dilay, 13 kalena ku dhaawacay dugsiga Ecole Polytechnique ee Montreal, Quebec, ka hor inta aanu is dilin.