Friday, October 30, 2026
Home NEWS Iiraan oo carruurta iskuullada ku tababaraysa isticmaalka hubka

Iiraan oo carruurta iskuullada ku tababaraysa isticmaalka hubka

8

Sawirro iyo warbixino laga helay gudaha dugsiyada Iiraan ayaa muujinaya arday lagu barayo sida hubka loo adeegsado. Waxaa intaas dheer codsiyo loo diray ardayda oo lagu weydiisanayo inay sameystaan lambarro aqoonsi iyo mashaariic cusub sida ‘Dhalinyarada Dagaalyahanka ah’ iyo ‘No+Maydaan’ oo la hirgeliyay, kuwaas oo dib u abuuray su’aalo ku saabsan faragelinta sii kordheysa ee hay’adaha militariga iyo amniga ee dugsiyada dhexdooda.

Taargooyinka aqoonsiga ayaa loo sameeyey, ciidamada ayaana qoorta u sura si loogu garto.

Sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta Iiraan, barnaamijyadan ujeedkoodu waa in ardayda tababar difaac la siiyo iyo in lagu barbaariyo fikirka kacaanka. Balse dhaliilayaashu waxay qabaan in tallaabooyinkani ay dugsiyada ku dhex faafinayaan dhaqdhaqaaqyo militari.

Heshiisyada la saxiixay sannadihii la soo dhaafay iyo mashaariicda la hirgeliyay ayaa muujinaya in doorka hay’adaha militariga iyo amniga ee dugsiyada Iiraan uusan ku koobneyn oo keliya ururka ardayda ee Basiij.

Basiij waa urur iskaa-wax-u-qabso ah oo ciidan madani ah, kana tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa iyaduna bilowday barnaamijyo cusub, kuwaas oo lagu eedeynayo inay sii xoojinayaan faragelinta hay’adaha militariga iyo amniga ee dugsiyada.

Dabayaaqadii labadii kun iyo bilowgii tobankii, ururka Basiij wuxuu dugsiyada dhexdooda ka hirgeliyay mashruuc lagu magacaabo ‘Xalqahaa-ye Saalixiin’ ama ‘Shajarah Tayyibah Saalixiin’.

Mashruucan asalkiisii wuxuu ka soo bilaabmay masaajidda iyo xarumaha Basiij, iyadoo ujeedkiisu ahaa in dhalinyarada loo baro diinta laguna tarbiyadeeyo, balse muddo ka dib dugsiyadii ayaa si tartiib ah qayb uga noqday howlihiisa. Waxaana kamid ahaa ujeeddooyinkiisa in ardayda lagu soo jiito howlaha Basiij.