Sep 03(Jowhar)-Dowladda Ingiriiska, ayaa hakisay in dadka Muhaajiriinta ah ay keenaan xubno qoysaskooda kamid ah dalka, si ay dib ula midoobaan, taas oo caqabad weyn ku noqon doonta Soomaali badan.
Xoghayaha arrimaha gudaha ee Uk, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in hakintan la hirgalinayo todobaadkan ,ayna tahay codsiyada cusub ee Muhaajiriinta Uk ku nooli dib ugula midoobayaan qoysaskooda,kadib marka ay u dacwoodaan.
Xoghayaha waxay ku sababeysay talaabadan in codsiyada cusub ee isku-keenidda qoysaska ay sababtay cadaadis xagga helista guryaha ah, waxaana laga yaabaa in ay dowladda Uk adkayso, shuruudo kale oo badan-na ay kusoo rogto dadka doonaya inay qoysaskooda keenaan Ingiriiska dibna ula midoobaya.