Jubaland oo shaacisay xiliga rasmi ahaan uu shirka mucaaradka ka furmayo Kismaayo

42

Dec 15(Jowhar)-Jubbaland ayaa si rasmi ah u cadaysay in Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu Kismaayo kafurmi doono 18-ka bishan, galabnimada Khamiista. Ergada shirka ayaa safaradooda bilaabaya talaadada berrito ah, waxaa laga tagayaa Muqdisho, Garowe iyo Nairobi.

Gudiga qabanqaabada shirka ayaa kuhowlan hoteelada martida ladejinayo, amniga magaalada iyo diyaarinta gaadiidka martida. Wafdi boqol qof ka badan ayaa la filayaa inay magaalada taggaan ilaa duhurnimada Khamiista.

Shirkan oo dhowr jeer dib u dhacay ayaa hadda la xaqiijiyey qabsoomidiisa. Beesha caalamka iyo daneeyayaasha Arrimaha Soomaaliya ayaa shirkan isha ku haya, xili mudo-xileedka dowladana uu dhamaad kudhow yahay, aysana jirin heshiis siyaasadeed oo cadaynaya jahada uu dalka aadayo.