Feb 16(Jowhar)-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 17-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare.
Kulanka wadajirka ah ee mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu sii amba qaaday ka doodista qodobada ka harsanaa cutubka lixaad ee dastuurka Kmg ah oo maanta lasoo gaba gabeeyey.
Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyey ka doodista cutubka lixaad islamarkaana dooda cutubka todobaad la bilaabi doono kulanka kan xiga.










