Sep 21(Jowhar)-Duqeymo xooggan oo illaa 4 gaaraya ayaa waxaa laga fuliyay Gobolada Shabeellada hoose, Jubbada dhexe iyo Baay halkaas oo la tilmaamay in lagu dilay hoggaamiyeyaal sar sare oo AS ka tirsanaa kwua kalena lagu dhaawacay.
Duqeymahaan oo lagu garaacay Bu,aale, Kuunya-baroow, Sablaale, iyo deegaanka Buula-fulaay oo Baay ka tirsan.
Deegaan lagu magacaabo Sariiraha oo Bu,aale hoostaga ayaa waxaa la sheegay in duqeynta lagu garaacay lagu dilay Ajaaniib AS ka tirsanayd kuwaas oo dagaalameyaasha AS tababar siin jireen.
Waxaana lagu magacaabi jiray:-
1-Abu Fahad Sudaani.
2-Abu Saleban oo Bakistaan u dhashay.
3-Abu Jaacfar oo Moroco u dhashay.
4-Abu Maalik oo aan la tilmaamin halka uu ka soo jeedo.
Ilaha Wardoon ayaa tilmaamay in duqeyn lagu garaacay tuulo hoostagta Kuunya-baroow ee Jubbada dhexe lagu baa-bi,iyay qalab cusub oo la sheegay in AS ay ka heleen Xuutiyiinta Yemen.
Sidoo kale Ilahaan ayaa shaaca ka qaaday in bannaanka Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellada hoose la duqeeyay Guri ay ku shirayeen Hoggaamiyeyaal Soomaali ah oo AS ka tirsanaa kuwaas oo shaaca laga qaaday in weeraro ay qorshaynayeen.
Xogahaan la helay ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in deegaanka Buulo-fulaay ee Gobolka Baay lagu duqeeyay Hoggaamiyeyaal AS ka tirsan kuwaas oo tafaasiil dhammaystiran aan laga bixin.