Jun 03(Jowhar)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheeegay in Maamulka Gobolka Banaadir in dowlada ay ogoshahay banaanbax ayna u cayintay saddex meelood in banaanbaxu uu ka dhacay.
Guddoomiye Yabooh ayaa beeniyay in dowladu ay diidan tahay inbanaanbax la qabto.isla markaana ay madaxdii hore ay ixtiriaam mudan yihiin.
“Banaanbax qoryo lagu waardiyaynayo oo hub lagu sito ma ogolin, waa fowdo, waxaan leenahay bulshadaan yaan gadaal loo celin.”ayuu yiri Yabooh.
Dhinaca kale, taliska Booliiska Gobolka Banaadir, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay shacabka ku nool magaalada Muqdisho ugu digayaan in aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan, falal rabshado wata iyo isu-soo-bax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida caasimadda.
Booliiska ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah la adkeyn doono sugidda amniga magaalada, iyadoo hay’adaha ammaanku ay si dhow ula socon doonaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho nabadgelyada guud ee Muqdisho.
Mucaaradka dowlada federalka ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyay eek u aadan banaanbaxa la qorsheeyay inuu dhaco 4ta bishan oo ku began maalinta berri ah.
Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa u soo guuray degmada Cabdulcasiis halka Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre uu soo degey degmada Howlwadaag.










