Saturday, March 21, 2026
Home NEWS Maamulka koofurgalbeed iyo mucaaradka oo ka hadlay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

Maamulka koofurgalbeed iyo mucaaradka oo ka hadlay dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo

29

Mar 21 (Jowhar)-Maamulka Koofurgalbeed iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay maamulka Koofurgalbeed ayaa sheegayin ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen koox uu ku tilmaamay inay ahaayeenburcad magaalada Muqdisho laga soo abaabulay iyo kooxda Alshabaab ayna jab xooga u geysteen.

“Waxaan ka warhelnay in ay abaabul ka wadeen kooxda burcada ah ee Muqdisho laga soo abaabulay iyo kooxda Alshabaab ayna doonayeen inay magaalada Baydhabo soo weeraraan balse waan ka hortagnay jab xoog lehna gaarsiinay.”ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaarada amniga maamulka Koofurgalbeed.

Hase yeeshee mucaaradka Koofurgalbeed oo isugu yeera ciidamada badbaadada koofurgalbeed ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ciidamada Laftagareen ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ku lahaayeen meel u jirta 18km magaalada Baydhabo balse ay iska difaaceen.

Kooxda Mucaaradka MaamulkaKoofurgalbeed ayaa sheegay inay cambaareynayaan weerarka ay ku soo qaadeen maamulka Koofurgalbeed waxana ay sheegeen in dagaalka uu sababay in dad badan oo rayid ah ay guryahooda ka barakacaan.

Waxaa sii xoogaysanaya khilaafka ka jira Koofurgalbeed Soomaaliya,hase ahaatee xaalada goobihii shalay lagu dagaalamay ayaa degen saaka balse waxaa jira xiisado colaadeed oo ka jira deegaanadaas.