Madasha mucaaradka oo iclaamiyay banaanbaxyo Sabtida ka dhacaya Muqdisho

0
60

Sep 24(Jowhar)-Madasha Mucaaradka ayaa iclaamiyay bannaan bax nabadeed oo dhici doona maalinta sabtida oo taariikhdu tahay 27 September 2025.

Guddoomiyaha Madasha Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in bannaan baxyada ay ka dhici doonaan saddex goobood oo kala ah Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile.

Bannaan baxan ayaa la sheegayaa inuu jid u furi karo kacdoon waqtigiisa ka soo hormara oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli ay wajaheyso fadeexado dhul boob ah, kaddib markii kumanaan shacab ah laga kiciyay dhulalkii danta guud.