Monday, April 27, 2026
Home NEWS Madaxweynaha Ruushka oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Iran

Madaxweynaha Ruushka oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Iran

54

Apr 27(Jowhar)-Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta ku kulmay magaalada Moscow. Kulanka ayaa yimid kadib markii uu guul darreystay wadahadaladii nabadeed ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iran dhamaadkii usbuucaan.

Putin ayaa sheegay in uu fariin ka helay hogaamiyaha ugu sareeya Iran Mojtaba Khamenei, sida ay sheegtay TASS.
Khamenei laguma arag, lagamana maqal meel fagaare ah tan iyo markii uu noqday hogaamiyaha Iran, kaliya farriimaha qoran ayaa laga aqriyaa warbaahinta Iran.

Sergei Lavrov, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa qiimeyn wanaagsan ka bixiyay wada-hadallada u dhexeeya wufuudda Ruushka iyo Iran ee St Petersburg. “Waxay ahaayeen kuwo faa’iido leh”, ayuu wakaaladda wararka ee TASS ee gobolka u sheegay Lavrov. Wadaxaajoodku wuxuu socday qiyaastii 1saac iyo bar sida ay sheegtay wakaalada wararka Interfax .

Horaantii, Putin wuxuu u soo bandhigay Araghchi taageerada Ruushka si loo soo afjaro dagaalka Iran, halka afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov uu sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso si loo gaaro heshiis nabadeed.
Araghchi oo kula hadlayay weriyayaasha magaalada St. Petersburg, ayaa sheegay in Iiraan ay “hor istaagtay quwadda ugu weyn adduunka [Maraykanka],” isagoo raaciyay in Washington aysan “gaarin mid ka mid ah ujeeddooyinkoodii.”

“Taas ayaa keentay inay codsadaan wadahadallo, annaguna hadda waan ka fiirsanaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhanka Washington.

Diblomaasi sare oo Iran ah ayaa sheegay in dagaalku uu muujiyay in Iran ay leedahay saaxiibo waaweyn iyo xulafooyin sida Ruushka oo kale, isagoo uga mahadceliyay Kremlin-ka taageeradooda. Qaranimada.
Tass ayaa sidoo kale soo xigtay Putin isagoo sheegay inuu rajeynayo in Iran ay hesho nabad ka dib markii ay ka gudubtay marxaladan adag.

Wakaaladda wararka ayaa sidoo kale sheegtay in Putin uu u sheegay Araghchi in Ruushku uu samayn doono wax walba si nabad loogu soo dabbaalo Bariga Dhexe sida ugu dhakhsaha badan.