Sunday, July 5, 2026
Home NEWS Madaxweyne Cali Guudlawe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo (Sawiro)

Madaxweyne Cali Guudlawe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo (Sawiro)

26

July 05 (Jowhar)- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.
Wafdigan oo ka soo kicitay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha Shaati-gaduud ee magaalada Beydhabo kusoo dhaweeyay Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa ka qeybgali doono munaasabada caleema-saarka Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo berri ka dhici doonto magaalada Beydhabo.