Mar 11(Jowhar)-Malaayiin Israa’iiliyiin ah ayaa habeen hurdo la’aan ku qaatay iyagoo u cararaya goobaha gabaadka, mararka qaarna aan helin waqti ku filan oo ay guryahooda uga gaaraan sida uu ku waramaya telefashinka Al Jazeera.
Waxaa la aaminsan yahay in gantaallada joogtada ah ee Iiraan ay wiiqeen ama meesha ka saareen nidaamka raadaarka Israa’iil, taasoo hoos u dhigtay awoodda digniinta waqtiga hore.
Xalay ugu yaraan lix gantaal laga soo riday Iiraan, iyadoo sidoo kale qaylo-dhaan ay ka imanayeen khataro ka yimid Lubnaan, oo ay ku jireen diyaarado aan duuliye lahayn oo gudaha u galaya Israa’iil.
Israa’iil ayaa sidoo kale ka digtay gantaallo cusub oo ka imanaya Iiraan, gaar ahaan kuwa leh madaxyo qarxa oo kala firirsan. Sidoo kale waxay sheegtay in ururka Xisbulaahi uu sameeyay gantaal cusub oo masaafo dheer gaari kara, mid ka mid ahna laba maalmood ka hor ku dhacay magaalada Beit Shemesh, oo u dhow Jerusalem, taasoo walaac ka dhalisay bulshada Israa’iil.










