Tuesday, April 14, 2026
Home NEWS Mudo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku eg

Mudo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku eg

116
Screenshot

Apr 14(Jowhar) Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee kow & tobnaad ayaa maanta uu u idlaaday muddo-xileedka loo doortay ee afarta sanno, halka ay muddo bil ah u hadhay MW Xasan Shiikh, inkasta oo DFS meelmarisey Dastuur cusub oo ‘muran ka taagan yahay’ kaa oo muddo-xileedka hey’adaha dowladda ka dhigaya shan sanno.

Siyaasiyiinta Mucaaridka oo ay weheliyaan Puntland & Jubbland ayaa maanta Beesha caalamka la wadaagaya in uu dhammaaday muddo-xileedka Baarlamanka, iyaga doonaya cadaadis caalami ah.

DFS oo u muuqata mid aan waqti ku socon ayaa ku howlan doorashooyinka Koonfurgalbeed, Galmudug & Hirshabeelle, iyada oo dooneysa in haddii ay ka qabato doorashooyin toos ah ay miiska soo-saarto in laga qaban karo heer Federaal.

Mucaaridka oo ku ballansanaa shirweyne kuna goodinayey doorashooyin Dadban in ay bilaabayaan ayaa dardartooda hoos-u-dhacday, waxaa se ay ku ballameen in ay Muqdisho ka bilaabaan kacdoonno, ka dibna ay ku shiraan Gaalkacyo todobaadyada soo aadan.