Friday, January 23, 2026
Home Blog Page 224

Kooxo hubeysan oo weerar qarax Bambo ah ku weerartay guri ku yaalo magaalada Mugdisho.

Oct 05 (Jowhar)-Kooxa hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa caawa salaadii cishaha kadib qarax ku weeraray guri ku yaala magaalada Mugdisho. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Bambo balse aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhacay xaafada Waberi ee Magaalada Mogadishu, kaasoo ahaa Bambo gacmeed lagu weeraray Guri uu deganaa  Abdulkadir Hassan Abdi oo u shaqeeynayay hay’ada Mercy USA ee hoostagta dowladda Mareykanka.

Inkastoo Abdulkadir uu ka maqnaa guriga xiliga uu qaraxu dhacayay, waxaase ku dhaawacmay mid kamid ah asxaabtiisa oo xiligaasi guriga ku sugnaa, iyadoo jugta qaraxa uu cabsi xooggan ku abuuray qoyska Abdulkadir oo xiligaasi guriga ku sugnaa.

Beegsiga ninkan ayaa daba socday fariimo badan oo hanjabaada ah oo uu waayihii danbe kala kulmayay kooxaha dowladnimada kasoo horjeeda, iyagoo culeys ku saarayay inuu joojiyo la shaqeynta hay’adaha deeq bixiyayaasha ah oo ay u arkaan kuwo kasoo horjeeda danohooda guracan ee daadinta dhiigga bulshada.

Kooxaha nabad diidka ah dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxey weeraro ugu bartilmaameedsadeen shaqaale badan oo hay’ adaha wadamada shisheeye, iyagoo weeraradaasi qaarkood ay ku dileen dad fara badan, halka kuwa ay ku dhaawaceen, kuwana ay ku afduubteen, iyadoo ay jiraan qaar badan oo haldoorkii dhalinyarada kamid ah ee dalka falalkaasi darted isaga cararay, si ay nafsadooda ula baxsadaan.

Russia demands Ukraine's Donbas region as UAE talks begin

Russia demands control of Ukraine’s Donbas as UAE talks begin

0
A hush in the desert: diplomats, doubts and the stubborn question of land In the glass-and-marble calm of Abu Dhabi, beneath a sky that seemed...
New Zealand landslides kill at least two, others missing

New Zealand landslides claim at least two lives; others unaccounted for

0
Night of Mud and Metal: A Town Wakes to Loss When the rain finally stopped in the early hours, Mount Maunganui looked like a place...
1,940 apartment blocks still without heating - Kyiv mayor

Kyiv mayor: Nearly 1,940 apartment blocks still without heating

0
Winter Under Siege: Kyiv’s Second Blackout and a City That Keeps Turning Toward Warmth When the heat left Kyiv this week, it wasn’t the kind...
Talks with US on Greenland to start quickly - Danish FM

Denmark signals quick start to U.S. talks on Greenland

0
The Day Greenland Stepped Into the Global Spotlight There is a hush over Nuuk that feels almost ceremonial: the soft clack of boots on wet...
Final death toll from Spain's rail disaster is 45

Spain Confirms Final Death Toll in Train Disaster: 45 Fatalities

0
A country stunned: the human cost behind the headlines The sun set over whitewashed Andalusian hills as families lit candles and placed them on kitchen...