Home Blog Page 332

Kooxo hubeysan oo weerar qarax Bambo ah ku weerartay guri ku yaalo magaalada Mugdisho.

Oct 05 (Jowhar)-Kooxa hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa caawa salaadii cishaha kadib qarax ku weeraray guri ku yaala magaalada Mugdisho. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Bambo balse aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhacay xaafada Waberi ee Magaalada Mogadishu, kaasoo ahaa Bambo gacmeed lagu weeraray Guri uu deganaa  Abdulkadir Hassan Abdi oo u shaqeeynayay hay’ada Mercy USA ee hoostagta dowladda Mareykanka.

Inkastoo Abdulkadir uu ka maqnaa guriga xiliga uu qaraxu dhacayay, waxaase ku dhaawacmay mid kamid ah asxaabtiisa oo xiligaasi guriga ku sugnaa, iyadoo jugta qaraxa uu cabsi xooggan ku abuuray qoyska Abdulkadir oo xiligaasi guriga ku sugnaa.

Beegsiga ninkan ayaa daba socday fariimo badan oo hanjabaada ah oo uu waayihii danbe kala kulmayay kooxaha dowladnimada kasoo horjeeda, iyagoo culeys ku saarayay inuu joojiyo la shaqeynta hay’adaha deeq bixiyayaasha ah oo ay u arkaan kuwo kasoo horjeeda danohooda guracan ee daadinta dhiigga bulshada.

Kooxaha nabad diidka ah dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxey weeraro ugu bartilmaameedsadeen shaqaale badan oo hay’ adaha wadamada shisheeye, iyagoo weeraradaasi qaarkood ay ku dileen dad fara badan, halka kuwa ay ku dhaawaceen, kuwana ay ku afduubteen, iyadoo ay jiraan qaar badan oo haldoorkii dhalinyarada kamid ah ee dalka falalkaasi darted isaga cararay, si ay nafsadooda ula baxsadaan.

Muqdisho oo xalay marti-gelisay weeraro isdaba-joog ah oo lagu beegsaday qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda

Xaaladda nabadgelyada ee caasimadda Muqdisho ayaa xalay oo Isniin ahayd, 25 Oktoobar, 2021, gashay weji cusub oo xasaasi ah, ka dib markii weeraro qorsheysan oo is-xigxigay ay ka dhaceen degmooyinka Wadajir iyo Waaberi, kuwaas oo bartilmaameedkoodu ahaa saraakiil iyo shaqaale ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.

Sida ay xaqiijinayaan ilaha dhinaca ammaanka ah, kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa fuliyey weeraradii ugu dambeeyey ee lagu khaarajinayo xubnaha u adeega dowladda.

Sida ay sheegeen ilo wareed, weerarka u horreeyay oo ahaa mid si xirfadeysan loo soo qorsheeyey ayaa ka dhacay Waaxda Timo-cadde ee degmada Wadajir abaare 8:30 – 8:40 fiidnimo.

Goob-jooge magaciisa qariyay ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa bastoolado ay weerar gaadmo ah ku qaaday Sarkaal lagu magacaabo Dhaqane, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Raxmo Cali oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxa kale oo uu tilmaamay in xilliga weerarku dhacayey, Dhaqane iyo Xaaskiisa ay kaga degayeen mooto bajaaj afaafka hore ee gurigooda. Sarkaalka ayey wararku xaqiijiyeen in uu isla goobta ku geeriyooday, halka xaaskiisa uu soo gaaray dhaawac culus, iyadoo ay xusid mudantahay in darawalkii mootadii ay la socdeen uu isagana soo gaaray dhaawac fudud, Raxmo Cali iyo Darawalkii mootada ayaa dhaawacii soo gaaray looga dabiibayaa Isbitaalka Madiina.

Saraakiil ammaan ayaa ku xog-warameen in daqiiqado yar ka dib, weerar labaad oo loo adeegsaday qaraxa bambaano nuuca bambo gacmeedka loo yaqaano ayaa ka dhacay degmada Waaberi, gaar ahaan Waaxda Maajo. Weerarkaan ayey wararku sheegayaan in lagu beegsanayay marwo lagu magacaabo Ikraan Xeydar oo ka tirsan Shaqaalaha dowladda gaar ahaan Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. In kasta oo bartilmaameedka koowaad uu badbaaday, hadana bambaanada oo guriga lala beegsaday gudihiisa ku qaraxday waxaa ku dhaawacmay ninka qaba marwadaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Madoobe iyo mid ka mid ah carruurtooda.

Laamaha Amniga Dowladda ayaa sheegay in baaritaanno xooggan ay ka socdaan nawaaxigii ay xalay dhacdooyinkaasi ka dhaceen, iyadoo la dareemayo in kooxda Al-Shabaab oo la aaminsanyahay in ay weeraradaan fulisay ay mudooyinkaan dambe kordhisay isticmaalka xeeladaha qaraxyada iyo toogashada tooska ah ee ka dhex dhaca xaafadaha caasimadda gaar ahaan xilliyada habeenkii.

13-year-old pupil kills nine in Turkey school shooting

13-year-old student fatally shoots nine at school in Turkey

0
Kahramanmaraş Mornings That Won’t Be the Same: When a School Became a Scene of Shock It began like any other school morning in southern Turkey:...
Three killed as Russian missiles hit Ukrainian cities

Three killed in Russian missile strikes across Ukrainian cities

0
When the Sirens Kept Singing: A Day of Smoke and Loss in Ukraine’s Cities They say a city’s true voice reveals itself in the sirens....
'Significant' fire at Australian oil refinery

Major blaze at Australian oil refinery sparks emergency response

0
Night of Orange: When Geelong’s Sky Turned to Flame Around 11 p.m., as families in Corio were folding into bed and the city’s shoreline misted...
UN officials lament an 'abandoned crisis' in Sudan

Donors Commit €1.3bn as Sudan Marks Third Anniversary of Conflict

0
When Pledges Meet Rubble: A Berlin Promise and Sudan’s Long Night In a conference room in Berlin last week, diplomats clicked through presentations, exchanged firm...
London police investigate 'attempted' synagogue attack

Attempted synagogue attack in London prompts police probe

0
Midnight Fear in Finchley: A Community Jars Awake as Flames Fail to Take It was the kind of hour when streets soften and the city...