Puntland oo dil toogasho ku xukuntay Hodan Maxamuud oo si arxan darro ah u dishay Saabiriin Saylaan

36

Nov 24(Jowhar)-Maxkamadda derejada 1aad ee degmada Galkacyo gobolka Mudug ayaa maalinkii 2aad u fariisatay garmaqalka kiiska marxuumad Saabiriin Saylaan oo dhawaan lagu diley mid kamid ah xaafadaha Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa eedaysane Hodan Maxamuud Diiriye ku xukuntay dil-toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle halka eedaysane Cabdicasiis Nuur Xaashi maxkamaddu ku xukuntay 1 sano oo xarig ah iyo lacag dhan $500 oo dollar.