May 28(Jowhar)-Booliska dalka Switzerland ayaa xirey nin lasheegay inuu ku weeraray mindi saddex ruux oo uu goob tareenada laga raaco oo ku taal Switzerland, sida ay booliisku sheegeen.
Saddexda qof ee ku dhaawacantay weerarkan oo u dhashay dalka Swiss ayaa da’adooda lagu kala sheegay 28, 43 iyo 52 jir,waxaana la dhigay cusbitaalka.
Weerarkan oo ka dhacay saldhigga tareenka ee Winterthur ayaa qofka ka dambeeyay waxaa la sheegay inuu ahaa 31 sano jir u dhashay isla dalka Switzerland,
Koox caruur iskuul ah ayaa halkaasi marayey xili waxaana la arkayay macalin iskuul oo hortooda taagan si uu u difaaco sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Sawiro ay daabaceen wakaaladaha wararka ee Swiss-ka ayaa muujinaya dhowr goobood oo ku xeeran saldhiga oo la xiray.
Qofka weerarkan geystey ayaa ah 31-jir Swiss-Turkish ah oo ku nool Winterthur, ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Marius Weyermann.
Mario Fehr, oo ah sarkaalka ugu sareeya amniga ee gobolka Zurich, ayaa weerarka ku tilmaamay fal argagaxiso oo xun. Waxa uu sheegay in Eedeysanaha uu ku dhashay dalka Switzerland, isla markaana uu qaatay Dhalashada Swiss-ka sannadkii 2009-kii, waxaana uu sheegay in labadii sano ee u dambeysay uu intiisa badan ku qaatay dalka Turkiga.
Winterthur waxaa ku nool ilaa 123,000 oo ruux waxayna ku taal waqooyi bari Switzerland, meel ku dhow magaalada ugu weyn dalka ee Zurich.










