Feb 12(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweyne hore Shariif Sh Axmed xilli caawa dib looga celiyay Shariif Sheekh Axmed garoonka diyaaradaha Aden Cadde.
Sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha booqashadan ay ahayd mid niyad wanaagga madaxda dowladda ku wajahayso wadahadalka, horeyna u abuurtay jawi kasta oo xasiloon oo dalka horey loogu wadi karo.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaare hore Mudane Xasan Cali Kheyre oo xubin ka ahaa Golaha Mustaqbalka.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in gogosha dowladda ay markasta fidsantahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal u halista arrimaha taagan si dalka uu horey ugu talaabsado, laga xoreeyo cadawga Khawaariijta, meelna looga soo wada jeesto farogalinta dibadeed ee lagu sameeyay dalka.
Hase yeeshee booqashadan ayaa timid saacado kadib markii albaabka laga galo garoonka diyaaradaha laga soo celiyay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed Iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Si kasta ha ahaatee ma jiro illaa hadda wax war rasmi ah oo ka soo baxay madaxdii hore ee dalka oo la sheegay in laga celiyay inay galaan gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde halkaa oo hotel ku dhex yaal ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland Iyo Puntland.










