Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Odinga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

0
29

Nov 15(Jowhar)-Raysal Wasaarihii hore ee dalka Kenya iyo hoggaamiyihii ugu caansanaa mucaaridka Kenya, Raila Amolo Odinga, ayaa geeriyooday maanta isagoo ku sugnaa dalka Hindiya, halkaas oo uu muddooyinkii la soo dhaafay u joogay xaalado caafimaad.

Marxuumka ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday isagoo 80 sano jir ah, sida ay sheegeen ilo qoyska ah oo ku sugan magaalada Kochi ee dalka Hindiya.

Raila Odinga wuxuu ahaa siyaasi caan ah oo muddo dheer door muuqda ku lahaa siyaasadda Kenya, isagoo shan jeer u tartamay xilka madaxtinimada dalkaas balse aan ku guuleysan midkoodna.

Sidoo kale, sanadkii hore ayuu u tartamay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU Chairperson), balse waxa looga adkaaday codbixintii ay madaxda qaaradda Afrika ka sameeyeen.

Raila Odinga ayaa loo arkaa mid ka mid ah haldoorka siyaasadda Bariga Afrika, gaar ahaan doorkiisii ku aadanaa dimuqraadiyeynta iyo halgankii uu u soo galay caddaaladda iyo sinnaanta siyaasadeed ee Kenya.