Monday, February 9, 2026
Home NEWS Soomaaliya oo cambaareysay weeraro ay kooxda RSF ka geysteen dalka Sudan

Soomaaliya oo cambaareysay weeraro ay kooxda RSF ka geysteen dalka Sudan

28
Who are the actors in Sudan's devastating war?
Children walk past a Sudanese army parade in the streets Gedaref in eastern Sudan (file image)

Feb 09 (Jowhar)- Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weeraro ay ciidamada Gurmadka Degdegga ah ay ku qaadeen gaadiid ay dad rayid ah saaran yihiin iyo kolonyo gaadiid ah oo gargaar u sidey dadka ku barakacay dagaalada ka soconaya dalka Sudan.
War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareyneyso waxa ka socda Suudaan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada dambiyada ah ee ay Ciidamada Gargaarka Degdegga ah ku qaadeen Xarumo rayid ah iyo kolonyo gurmad ah oo ay la socdeen Hayโ€™adda Cunnada Adduunka ee WFP ee gobollada Waqooyi iyo Koonfurta Kordafan. Weeraradan ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray dad rayid ah.”

SIdoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay xaqiijinayso in falalkani ay ka dhigan yihiin xad-gudub ba’an oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo dhammaan xeerarka caalamiga ah ee khuseeya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dalbaneysaa in Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay si deg deg ah u joojiyaan xadgudubyadaas, oo ay gutaan waajibaadkooda sharci iyo damiir ee ah ilaalinta rayidka iyo in ay xaqiijiyaan in si badbaado leh oo shuruud laโ€™aan ah loo gaarsiiyo gargaarka biniโ€™aadantinimo, si buuxdana ay ugu hoggaansamaan Baaqa Jeddah ee Ilaalinta Rayidka ee Suudaan.

“Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa mowqifkeeda hagar laโ€™aanta ah ee ay ku taageereyso midnimada, madaxbannaanida, amniga, iyo xasilloonida Suudaan, waxayna taageertaa dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu soo afjarayo dagaalka, waxayna ka digaysaa khatarta ka dhalan karta faragelin kasta oo dibadeed oo si toos ah u hurin karta colaadda, sii dheerayn karta dhibaatada biniโ€™aadantinimo ee dadka walaalaha ah ee Suudaan.”ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.