Villa Somaliya oo war kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan uu ku tahay Addis ababa

0
105

Sep 07(Jowhar)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qaybgali doono Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Afrika.

Madaxwaynaha ayaa Shirka ka jeedin doona khudbad taabanaysa dhinacyo ay ka mid yihiin ajandayaasha hortabinta leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dajisay maaraynta iyo yaraynta saamaynta taban ee isbeddelka cimilada uu dalka ku leeyahay.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doona madaxda dhiggiisa ah ee goobjoogga ah.