Wiil ay dhashay Ilhan Cumar oo ka badbaaday in loosoo tarxiilo Soomaaliya

83

Dec 15(Jowhar)-Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ciidanka la dagaalka soo gelootiga ee ICE ay qabtaan wiil ay dhashay kaas oo ay doonayeen in ay u tarxiilaan Soomaaliya balse ka badbaaday markii uu tusay sharcigiisi Maraykanka.

Wiilka Ilhaan Cumar oo ku dhashay gudaha Maraykanka ayay tilmaantay in ay doonayeen  sidii loo tarxiil lahaa haddii markaas aanu sharcigiisa wadan.

Waxa ay ciidankan ku eedaysay in ay yihiin cunsuriyiin beegsi ku haya dadka Soomaalida ah xataa kuwooda sharciga haysta ama Maraykanka ku dhashay.

Ciidanka ICE oo wada qab qabshada dadka Soomaalida ah ee ku sugan gudaha Minnesota ayaa qof kasta waydiinaya sharcigiisa iyaga oo hadda xidhay dad ay sheegeen in aanay sharci haysan iyo kuwo kale oo ay ku eedeeyeen dembiyo culus sida lagu baahiyey boggaga rasmiga ah ee ciidanka ICE.