Sunday, February 8, 2026
Home NEWS Xildhibaano iyo Senator laga ganaaxay kulamada wadajirka ee baarlamaanka

Xildhibaano iyo Senator laga ganaaxay kulamada wadajirka ee baarlamaanka

1

Feb 08 (Jowhar)-Kusimaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo saaray go’aan rasmi ah oo la xiriira ka joojinta fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka.

Xildhibaanadan oo tiradoodu gaareyso lix xildhibaan ayaa loo ganaaxay qalalaasihii ka dhacay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal, kaas oo qabsoomay 7-dii Febraayo, 2026
Xildhibaanadan la ganaaxay ayaa waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaan Sanyare.
Sidoo kale go’aan ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa 12 kulan looga joojiyay ka qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Gole Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay qalalaaso iyo ku xadgudub Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare oo uu Senatorku ku kacay intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen, kaas oo qabsoomay 7-dii Febraayo, 2026.