Tuesday, May 19, 2026
Home NEWS Xoghayaha Guud ee Q.Midoobe oo ka deyriyay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Q.Midoobe oo ka deyriyay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya

91

May 19(Jowhar) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Wuxuu soo dhaweeyay diyaar garowga labada dhinac ee wada-hadalka, isaga oo ku boorriyay inay sii wadaan wada-xaajoodka si loo gaaro heshiis ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira.

“Waa in 2da dhinac ee DFS & Golaha Mustaqbalka ay sii wadaan wada hadalka, si dhow ayaan ula soconaa xaaladda kacsan ee siyaasadda” waxaa sidaas yiri Xoghayaha guud ee QM oo ka dayrinaya xaaladda siyaasadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka taagan dalka, taas oo u baahan xal wadajir ah iyo isfaham siyaasadeed.