Saturday, February 21, 2026
Home NEWS Alshabaab oo toogasho ku fulisay 10 ruux

Alshabaab oo toogasho ku fulisay 10 ruux

79

Feb 21(Jowhar)-Wararka ka imanaya deegaano ka tirsan gobolada Jubbada Hoose Iyo Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay ku toogatay 10 ruux ay ku tilmaantay inay ahaayeen basaasiin.

Shan kamid ah raggan ayaa lagu toogtay magaalada Bu’aalle ee gobolka Jubbada Dhexe halka shan kalana lagu fuliyay dilka deegaanka Kuunya Baroow.

Kooxda Alshabaab ayaa isugu keentay goobaha ay toogashada ka dhacaysay shacabka ku nool deegaanadaas.

Sidoo kale Alshabaab ayaa labo toddobaad kahor goob fagaare ah ku toogatay shan dhalinyaro ah degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.