Booliska Australia oo shaaciyay xogta Aabbe iyo Wiilkiisa oo fuliyay weerarkii Magaalada Sydney

1
Screenshot

Dec 15(Jowhar)-Booliiska Australia ayaa markii ugu horreysay si kooban u soo bandhigay xog la xiriirta weerar culus oo ka dhacay magaalada Sydney. Sida ay sheegeen Booliiska, weerarka waxaa fuliyayaabbe iyo wiilkiisa.

Aabbaha, oo da’diisu ahayd 50 sano jir, ayaa lagu dilay goobta uu weerarku ka dhacay, halka wiilkiisa oo 24 jir ah uu ku dhaawacmay weerarka, islamarkaana haatan lagu hayo isbitaal iyadoo si dhow loo ilaalinayo.

Booliisku waxay xaqiijiyeen in weerarkaasi uu sababay geerida 16 qof, halka 40 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhammaantood la dhigay isbitaallo kala duwan.

Ilaa hadda, Booliiska Australia ma shaacin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sababta weerarka, ujeedkiisa ama xaaladda sharciga ee eedeysanaha dhaawaca ah, balse waxay sheegeen in baaritaanno ballaaran ay socdaan.

Warar dheeraad ah ayaa la filayaa in la soo saaro saacadaha iyo maalmaha soo socda.