Wednesday, March 11, 2026
Home NEWS Ciidamada dowlada oo la wareegay degmada Xawaadley

Ciidamada dowlada oo la wareegay degmada Xawaadley

54

Mar 11(Jowhar)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegtay degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe,halkaa oo ay kooxda Alshabaab ay maamulayeen bilihii la soo dhaafay.
War Saxaafadeed ay soo saartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in howlgal loogu magac daray Badar lagu qaaday degmada Xawaadley iyadoo mudadii uu socday howgalkana lagu burburiyay fariisimo iyo bakhaarro ay kooxda Alshabaab isticmaali jireen.

“Ciidamada Qaranka ayaa hadda ku howlan xaqiijinta amniga deegaanka, waxaana socda hawlo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka iyo sifeyn lagu sameynayo goobaha la xoreeyay.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.