Monday, June 22, 2026
Home NEWS Dadka ka soo jeeda Koofurta Somaliya oo lagu amray in10 maalmood ah...

Dadka ka soo jeeda Koofurta Somaliya oo lagu amray in10 maalmood ah uga baxaan Somaliland

54

Jun 22(Jowhar)-Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa soo saaray amar ay gobolada maamulkaas ay uga baxayaan muddo toban maalmood ah dadka aan u dhalan maamulkaas.
Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa sheegay in laamaha ammaanka la faray inay si taxaddar leh u fuliyaan qorshaha la xiriira dadka ajaanibta ah ee aan sharciyeysneyn.

Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka loo xil-saaray inay muddada 10-ka maalmood ah gudaheeda ka shaqeeyaan hirgelinta amarka.

“Waxa la farayaa laamaha ammaanka inay si taxaddar leh u maareeyaan arrimaha dadka ajaanibta ah si ay muddo 10 maalmood ah uga baxaan dalka oo dhan. Shacabka waxaan farayaa inay laamaha ammaanka ku wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan. Waxa aynu ilaalinaynaa amnigeenna, waana masuuliyad saaran qof kasta,” ayuu yiri Wasiir-u-dawlaha.

Maamulka Somaliland ayaa ajaanib u aqoonsada dadka aan ka soo jeedin deegaannadeeda, oo ay ku jiraan Soomaalida ka timaadda deegaannada kale ee dalka, sida koonfurta Soomaaliya.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Somaliland ay heshay dareen iyo indho caalami ah, isla markaana la filayo inay yimaadaan maalgashadayaal badan, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim ka dhigaysa xoojinta amniga iyo ilaalinta xasilloonida.

Wasiir-u-dawluhu wuxuu sidoo kale sheegay in dadka ajaanibta ah ee si sharci ah ku jooga Somaliland ay nabad ku sii joogi doonaan, halka kuwa aan haysan sharciyaddana laga doonayo inay si nabad ah uga baxaan deegaannada Somaliland.

Warkan ka soo baxay Maamulka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in saldhig milatari ay ciidamada Israel ka sameysanayaan dekeda Berbera.