Friday, April 17, 2026
Home NEWS Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u dirtay Israel

Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u dirtay Israel

66
Screenshot

Apr 16(Jowhar) Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Cabdullaahi Warfaa, ayaa si kulul uga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Waxa uu safiirku si toos ah fariin ugu dirayay Israel.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayuu danjiruhu ku sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay difaaca madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo wax u dhimaya qaranimadeeda.

Danjire Warfaa ayaa carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo isku dayda xadgudub ay wajihi doonto cawaaqib adag. Wuxuu sidoo kale xusay suurtagalnimada in la xaddido marinka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb, haddii ay jirto faragelin halis gelisa danaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Israel ay safiir usoo magacaabatay Somaliland, taasoo dowladda Soomaaliya ay horey qeyla

Dhaan uga soo saartay.