May 07(Jowhar) Markabka diyaaradaha dagaalka xambaara ee Charles de Gaulle oo Faransiisku leeyahay ayaa u jihaystay Bariga Dhexe, isagoo ka gudbay Kanaalka Suez kuna wajahan Badda Cas.
Paris ayaa sheegtay in dhaq-dhaqaaqan uu jawaab u yahay isbeddelka xaaladda, gaar ahaan xiisadda sii kordheysa ee Marinka Hormuz iyo amniga marinnada ganacsiga caalamiga ah.
Markabkan Charles de Gaulle wuxuu xambaarsan yahay diyaaradaha dagaalka Rafale, diyaaradaha digniinta hawada,waxaana la socda maraakiib difaac, taasoo muujinaysa in Faransiisku kordhinayo joogitaankiisa militari ee gobolka xilli ay sare u kacayaan xiisadaha Badda Cas iyo Khaliijka.










