May 07(Jowhar) Madaxtooyada Galmudug ayaa dib u magacowday taliye booliska Galmudug Khaliif Ilkacase, iyagoo kahoryimi magacaabida Taliye Boolis oo Federaalka magacowday sida muuqata.
Max’ed Dahir Cabdulle oo ahaa Taliyihii guutada Ilaalintada Madaxda iyo Hay’addaha muhiimka ah ayaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Booliska Galmudug, taas oo ay kacarootay Galmudug.
Waxaa muuqata in Galmudug iyo Dowlada Federaalka toos isugu bareereen waxaana saacadaha soo socda lagu kala bixi doonaa fagaaraha iyadoo Galmudug ay soo waddo Go,aano waaweyn oo ka dhan ah Doorashadii dowlada Federaalka iyo xiriirka labada dhinac.











