May 07(Jowhar) Mucaarad iyo Muxaafidba dhinacyada ayaa wada sugaya fariinta wakiilada caalamiga ah, gaar ahaana mid kamid ah dalalka Reer galbeedka oo dhexdhexaadin iskugu keenaysa sida qorsheysan, waqtiga isku imaatinka ayaana la sugayaa, iyadoo dhinacyadu aqbaleen soo jeedinta wakiilada caalamiga ah.
Madaxda golaha Mustaqbalka ee kamaqan Muqdisho ayaa balan qaaday in ay imaanayaan, haddii laga maarmi waayo oo ay dooda qeyb ka noqonayaan, gaar ahaana kulanka Beesha Caalamka ay dhexdhexaadinayso DFS & dhankooda.
Maanta ilaa berrito galinka hore ayaa la sugayaa in la helo fariin kama dambeys ah, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow 2da dhinac ee isku haya hanaanka siyaasadda, gaar ahaana galka doorashooyinka oo hadda mudo dhaaf kusii dhawaanaya.










