Sep 26(Jowhar)-Guddigii Xildhibaannada Beesha Hawiye ee isu xilqaamay xalinta xiisadda Mucaaradka iyo dowladda ayaa waxay xilligan shir la leeyihiin hoggaanka madasha Mucaaradka, si loo qaboojiyo xiisadda, loogana baaqsado bannaan bax berri ay ku baaqeen Mucaaradka.
Xiisad u dhaxeysa Mucaaradka iyo dowladda ayaa xoogeystay kaddib markii maalin ka hor ay is rasaaseyn ka dhacday Saldhigga Warta Nabadda, halkaasoo Mucaaradka ay tageen iyagoo gaadiid dagaal ku hubeysan.
Dadka Muqdisho ayaa isha ku haya kulankan iyo natiijada ka soo baxda, maadaama maalinta berri oo Sabti ah ay Mucaaradka doonayaan inay bannaan baxa qabtaan, sidoo kale dowladda ayaa qorsheyneysa inay ka hortagto isku daygaas bannaan baxa, waxaana gaadiidka qafilan ay geysay baraha Koontaroolada laga galo Garoonka diyaaradaha oo ah xeyndaabka Madaxda Mucaaradka degan yihiin.