May 17(Jowhar) IGAD, ayaa ugu yeertay dhinacyada Soomaalida in ay heshiis gaaran, waxaana walaac laga muujiyey fashilkii shirkii Xalane, waxayna dhinacyada ku dhiirrigelisay inay sii wadaan kulamadooda si loo xalliyo khilaafaadka haray.
Urur Gobaleedka IGAD ayaa ku baaqday In la ilaaliyo xasilloonida, la xoojiyo midnimada qaranka, lana horumariyo dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
IGAD waxay caddeysay inay garab taagan tahay dadaal kasta oo nabad iyo amni lagu raadinayo oo ay Soomaalidu horseed ka tahay.











