Saturday, June 6, 2026
Home NEWS Madasha Samata-bixinta oo ka digtay duulaanka lagu yahay Jen. Odowaa

Madasha Samata-bixinta oo ka digtay duulaanka lagu yahay Jen. Odowaa

127

Jun 06 (Jowhar)-Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay qorshe la sheegay in lagu weerarayo hoyga Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Muqdisho.

Madashu waxay sheegtay in tallaabooyinkaas ay sii hurin karaan xiisadda siyaasadeed iyo amni ee caasimadda.

Waxey ugu baaqday dhinacyada ay khuseyso in la ilaaliyo heshiisyadii xabbad-joojinta iyo dhexdhexaadinta, isla markaana la joojiyo falalka ay ku tilmaantay daandaansiga.

Sidoo kale, waxay ciidamada qalabka sida ugu baaqday inay ka fogaadaan ku lug lahaanshaha arrimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo nabadda, midnimada iyo xasilloonida dalka.